Maxaan ka ognahay Diyaaradii Ethopian Airline ee Axadii kuburburtay Itoobiya, Tirada soomaalida oo 5 maraysa

Diyaaradii Ethopian airline ee axadii ku burburtay meelaan ka fogayn Adis ababa iyadoo kusii jeeda Nairobi ayaa hada la xaqiijiyey in la helay Sanduuqii madoobaa ee Doyaarada kasoo durba baaritaan lagu bilaabay in kastoo dhawac uu qabo Sanduuqu, Sanduuqa madow wuxuu duubaa dhaqdhaqaaqa Diyaarada codka qolka Duuliyaha, isagaana badanaa laga ogaadaa cilida ku timaada Diyaaradaha.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Boing 737 Max 8 ayaa isla maanta ay wadamo dhowra go’aansadeen ineysan Duulin, Shiinaha iyo Itoobiya ayaa kamid ah.

Sida laga soo xigtay Qof arkayay Diyaaradu xiligii ay soo dhacaysay wuxuu yiri ‘ Waxaan Maqlay Guux weyn oo u eg biro la isku garaacayo,markaan cirka eegayna waxaan arkay Diyaarad gubanaysa oo cirka ksoo dhacaysa, sidii dhagaxii oo kale ayay dhulka ugu soo dhacdey, waxaa kaloo ka dadanayay Dad iyo kuraas iyo waxyaabo badan..

Alla ha u naxariistee waxaa Dadka diyaarada saaraa kamid ahaa 5 Soomaali ah, Gabar dhalinyaro ah iyo gabar 7 jir ah oo ay dhashay oo reer Canada ahaa ayaa kamid ah Dadka ku geeriyooday Shilkaan waxayna ku socdeen Nairobi. Laba qof oo kale oo Soomaali ah waxay wateen dhalasho Ingiriis ah, wiil Ka tirsanaa Xafiiska Raysal wasaaraha wuxuu watay Dublamatic Pass. Soomaali ah.

Hoos ka akhriso Diyaarada Boing 737 max 8, wadamada ay ka howlgalaan hada, kalarka gaduudan waa diyaaradaha iyo wadamada amray inla joojiyo shaqada Diyaarada nocaan ah inta la baarayo Sababta ay u burburtay ethopian Ariline flight ET 302, boqolaal neeceeda ayaa hawada ku jira wali sida aad sawirka ku arkaysaan.

Maraykanka 108 Diyaaradoo oo shaqadooda sii wata.
Shiinacaha 84 shaqadii maantaa laga joojiyey.
Itoobiya 5 ayaa u haaray iyana maantaa la amray inaysan dhulaka ka duu,in oo ay dhulka fadhiyaan.

USA………………………CHINA