(Dhegayso) Maxaa iska badalay Amniga magaalada Gaalkacyo kadib Howlgaladii ka socday magaalada

Magaalada Galkacyo todobaadkii ugu dambeeyey waxaa ka socday hawlgallo xagga amniga ah, kuwaasi ay fulinayeen ciidama booliska ee gobolka iyo kuwo dheeraad ah oo dhawaan halkaasi tagey.

Ciidamada halkaasi tagay ayaa waxaa hogaaminayay taliye kuxigeenka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cawke oo sheegay in ay howlgaladan ay ku soo qab qabteen dhalinyaro fara badan oo falal amni daro ka gaysan jiray magaalada Gaalkacyo.