Soomaaliland oo weerar ku soo ah qaybo kamid ah gobolka Sanaag iyo dadka deegaanka oo iska caabinaya

Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Malayshiyaad ka tirsan mamaulka Jeegaanka ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Axmed ay saaka duulaan ku soo yihiin deegaano ay kamid yihiin Yube iyo Xingalool oo ka tirsan gobolka Sanaag .

 

Malayshiyaadka Hargaisa ayaa ku hanjabay in aysan aqabali dooni weerarada uga imanaya ciidamada uu hogaaminayo korneel Caare oo maalmo kahor weerar ku qaaday fariisin ay deegaanadiisi ku lahaayeen  Malayshiyada  Soomaali diidka ah.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan hadii lagu soo weeraro deegaanadooda .