Madaxweyne Deni” Boosaaso dumar bastoolado sita ayaa dadka dhiba

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in amni darada ka jirta magaalada Bosaaso ay qayb ka yihiin dumarka .

Waxa uu sheegay madaxweynaha in ay jiraan dumar baastooladu ku hubaysan oo raga u soo hanjabaya  kuwaas oo xiriir la,leh kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

 

Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in qof lagu dilo Masjid gudihiisa dabadeedna uu baxsado gacan ku dhiiglihii falka gaystay.

Hadalkan ayuu madaxweyne Deni uu ka sheegay munaasibadii xuska maalinka Haweenka Soomaaliyeed.

Dhegayso.