
Kooxo Burcad-baddeed ah ayaa weerar ku qaaday Markab waday shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed ee udhexeeyay dalalka Yaman iyo Iiraan.
Burcad-baddeeda ayaa wadatay ku dhawaad 5 doomod oo ah nooca dheereeya ah kuwaas oo ay doonayeen in ay ku qabsadaan Markabkan .
Sarkaal katirsan ciidamada Bada ee dalka Iiraan ayaa sheegay in Markabkan uu siday 150,000 oo tan oo shidaal ah.
Ciidamada Badda ee Iiraan ayaa qayb ka ah howlgalka ladagaalanka Burcad baddeeda Soomaaliya .
Weerarada kooxaha Burcad-baddeeda ayaa hoos udhacay kadib markii la xoojiyay howlgalka ladagaalanka Burcad-baddeeda xeebaha Soomaaliya wixii ka dambeeyay sanadkii 2013kii.