Breaking news–Diyaarad Ethopian Airline ah oo 149 Qof sidey ayaa burburtay

Saaka 8.00 subaxnimo saacada Itoobiya ayaa Diyaarad nooceedu yahay 737 flight ET 302 oo siday 149 Qof oo 8 kamida shaqaalaha Diyarada ahaayeen waxay ku Burburtay Dalka Itoobiya, Diyaaradaasoo ka duushay Adis ababa kunasii jeeday Nairobi.

Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ayaa ka tacsiyaysay Geerida Dadka ku geeriyooday Shilka.

Ilaa hada macada in Soomaali ay ka mid ahaayeen Dadka ku haligmay Shilkaan walina lama shaacin Liiska Magacyada Rakaabka saaraa Diyaarada.

Wariyaha Puntlandi ee Adis ababa ayaa iminka ku mashquulsan inuu soo ogaado in Dad Soomaali ah ay saaraayeen Diyaarada.

Diyaarada ayaa khadka xiriirka ka laga waayay 6 daqiiqo kadib markay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Bolla International ee Adis ababa waxayna ku burburtay Magaalada Bishoftu oo wax yar u jirta Adis ababa.

Ilaa hada ma cada sababta keentey iney Diyaaradaan soo dhacdo.

Puntlandi.com
Adis ababa