(Sawirro) Ciidamada Badda ee Puntland oo soo bandhigay 8 doonyood oo Tahriibka loo adeegsan jiray

Ciidamada Badda ee Puntland ee loo yaqaan  (PMPF)  ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha bari ee Puntland waxa ay ku soo qab qabteen ilaa iyo 8 doonyood oo loo adeegsanjiray Tahiirta.

 

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekeda Bosaaso ayaa sheegay in arintan ay tahay mid lagu soo afjarayo dadka caadaystay Tahiirta.

 

Amar dhaawn ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa deegaanada Puntland looga mamnuucay in dadka laga tahriibiyo, iyadoona lagu soo rogay tadka ka shaqeeyay Tahriibta go,aano adag.

 

Dadka intabadan ka tahriiba xeebaha bari ee Puntland ayaa ubadan Itoobiyaan, Oromo, iyo Soomaalida ka timaada koonfurta Soomaaliya

Sawirio.