Gacantii Midig ee Raysal Wasaare Abiy Ahmed oo loo magacaabay General Director-ka Xafiiska UN Niorobi

Workeneh Gebeyehu oo ka tirsanaa Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayna aad sxiib u yihiin Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa loo magacaabay Madaxa ugu sareeya UN Headquarters Ofice in afrika oo ah Xarunta Nairobi, Xafiiskaan waxaa hoos yimaada Xafiisyada UN-ka ee ka howl gala Soomaaliya.

Workeneh Gebeyehu waa ninkii uu Raysal Wasaare Aby Ahmed uu xilsaaray dib u habeynta Siyaasada Arimaha Dibada ee Itoobiya.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi waxaa hada si kumeel gaar ah usii hayay Maimunah Mohd Sharif oo u dhashay Dalka Malaysia.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si rasmi ah usoo magacaabay Workeneh Gebeyehu.