(Dhegayso) Waraysi : laba gabdhood oo midi 6 sano jir ah oo lagu kufsaday gobolka Sanaag

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in laba gabdhood oo midi da,deeda lagu sheegay 6 sano jir  lagu kufsaday degmada Ceel-buh.

 

Mid kamid ah kufsigan ayaa waxa uu ka dhacay meel baadiye ah, waxaana lagu kufsaday gabar 15 sano jir ah .

 

Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag Cabdulaahi Cumar Canshuur ayaa sheegay in ninkii kufsiga gaystay ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amniga, sidookalena ay ku daba jiraan Ninkale oo isna 30 sano jir ah oo kufsaday gabadha 15 sano jirka ah ee joogtay miyiga.

 

Waxa uu sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan kiiskan iyo sida uu udhacay .

<