DHEGAYSO) Dowladda Puntland oo dowladda federalka ka dalbatay in lagusoo wareejiyo saamiga xujeyda

Garowe (Punlandi) Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamid, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa ka dalbaday dowladda federalka Soomaaliya in Puntland lagusoo wareejiyo saamiga ay ku leedahay barnaamijka Xajka.

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha Diinta ayaa sheegay in sanadkaan dowladda Sucuudigu kordhisay saamigii ay Soomaaliya ka siin jirtay dadka sanad walba xajka soo aada, iyagoo ka dhigtay in ka badan kow iyo toban kun oo xujey ah, halka markii hore uu ahaa sagaal kun oo xujey.

Wasiirka waxaa kale oo uu wacad ku maray in shirkad aysan Puntland ogolaansho siinin aysan Puntland ka qaadii karin xujeyda Puntland ayna mudnaan gaar ah yeelandoonaan shirkadaha Puntland laga leeyhaay.

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka.

Puntlandi.com