Xaflad dib laysugu celinaayo Geel 33 sano ka hor la kala dhacay ayaa maanta lagu qabtay Degmad Daroor ee Kilalka Somaalida Ethiopia

Waxaa maanta Deegaanka celiyo oo ka tirsan Degmada Daroor gobolka Jarar ee Dawlad Degaan Somaalida Ethiopia lagu qabtay xaflad lagusoo bandhigay dhacdo ku cusub Deeganka, taasi oo ahay mid Beesha Ciidagale ayaa maanta dib u celisay Beesha Ogaadeen Geel ay dhacday 33 sano ka hor, waa sannadkii 1986 isaga oo tarmay.

Waxaa si weyn loo amaanay talabadaas Geela laysgu celiyey oo uu qaaday ninkii Geela qaaday oo lagu magacaabo Yusuf garaw Baanday.

Yusuf Garaw oo ahaa ninka geela dhacay 1986 xiligaas oo colaad qabiil ka jirtay degmoyinka Awaare iyo Daroor ayaa sheegay in aysan jirin cid ugu ergaysay in uu celiyo geelaasi oo uu gacanta ku hayay mudo 33 sano ah .

Balse uu isagu dareemay in ay arin khalad ah tahay haysashada geelaasi.
Sidaas darteedna uu go’aansaday inuu dib u celiyo Xoolahaasi .

Sidoo kale Shiine cabdiqani oo ka mid ahaa nimankii geela loo celiayay ayaa isaguna sheegay in uu aad ugu farxsan yahay soo celinta geeloodii,oo aanu marnaba ku fikirin in uu usoo laaban doono geelaasi, madama uu isaga laftigiisu aanu dhalan ama jirin xiligii geelaas ladhacay, oo uu abihiis uu Geelaas lahaa.

Dadkii goobtaasi joogay ayaa aad ugu duceeyay xubinkaas arinta fiican sameeyay.

Waxaa kale oo xaflada kasoo qayb galay mamulada labada degmo, hogaamiyasha dhaqanka iyo bulshada ku dhaqan deganadaas.