(SAWIRRO) Wasaaradda haweenka Puntland oo kulan u qabatay ardayda jaamacaddaha Puntland

Garowe (Puntlandi.com) Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland ayaa maanta qabatay kulan loogu diyaar garoobayo xuska maalinta haweenka aduunka oo ku beegan sideeda Maarso.

Kulankaan ayaa looga hadlayay sidii haweenku uga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan horumarkooda iyo in wax la iska weydiiyo dhibaatooyinka xilligaan ay ka cabanayaan dumarka, dhibaatooyinkaas oo uu Kufsigu ugu horeeyo.

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda haweenka Puntland, Maxamed Cali Ismaaciil, ayaa sheegay kulankaan inay si gaar ah ugu qabteen ardayda jaamacaddaha si ay isku dhaafsadaan aqoontooda ku saabsan sidii ay uga doodi lahaayeen wixii danahooda ah.

Ifraax Cabdi Nuur oo ku hadlaysay magaca xiriiriyaha kulankaan ayaa sheegtay inay ardayda jaamacaddaha ku dhiiri galinayeen habka ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha soo wajaha,

Ifraax waxay sheegtay isu imaatinkaan inuu door muhiim ah ka yahay barnaamijyada wacyi galinta ah ee ka horeeya xuska maalinta haweenka aduunka oo ay wasaaraddu diyaar garow xoogan ugu jirto.

DAAWO SAWIRRADA KULANKA

Puntlandi.com