Qofkii labaad taariikhda oo ka bogsada cudurka feyruska HIV

Markii labaad tan iyo markii uu bilowday olalaha caalamiga la dagaalanka AIDs-ka, bukaan ayaa umuuqday inuu ka bogsaday fayruska HIV, feyruskaas oo sababa cudurka Aids ka.

Warkaan ayaa kusoo beegmay 12 sano kadib markii qofkii ugu hireeyay ee loo aqoonsaday inuu ka caafimaaday Aids.

Cilmi baarayaal ayaa sheegay guushaan la yaabka ah ay haatan xaqiijineysa in daaweynta HIV-ga ay suurtagal tahay, xitaa haddii ay adag tahay.

Baarayaasha ayaa lagu wadaa inay maanta oo talaado ah warbixintooda kusoo daabacaan joornaalka Nature iyo shirka looga hadlayo caabuqyada Faafa ee ka dhacaya Seattle.

Quburada caafimaadka ayaa ku doodaya in la daawayn karo cudurkaan AIDs-kaan oo kamid ah cudurada weli aan loo hayn daawo sax ah oo bukaanada ka caawin kara inay jirkooda ka saaro feyruska HIV.

Puntlandi.com