Dowladda Puntland oo beenisay inay ka dambeysay dagaalkii shalay gobolka Sool ka dhacay

Dowladda Puntland ayaa beenisay inay habo yaraatee wax lug ah ku leedahay dagaal maalintii shalay ka dhacay tuulada Gambara ee gobolka Sool, kaasoo udhexeeyay ciidamo Somaliland iyo maleyshiyo hubaysnayd.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay ciidamadii Gambara kula dagaalamay ciidanka Somaliland inaysan ahayn kuwo Puntland.

Madaxweyne ku xigenku wuxuu sheegay, Puntland ciidamadeeda inaysan wax tilaabo ah qaadin ayna ku sugan yihiin ciidanka walba goobihii lagu ogaa.

Inkastoo Axmed Karaash sheegay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay inay Somaliland kula dagalanto meel kasta oo kamid ah dhulkeeda, hadana wuxuu caddeeyay in dagaalkii shalay dhacay uu ka madax banaan yahay.

Puntlandi.com