
Wasiirka wasaarada maaliyada dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Kastamka canshuuraha ee gobolka Sool.
Wasiirka ayaa waxa uu ukuurgalay qaabka uu ushaqeeyo Kastamka iyo daruufaha haysta shaqaalaha ka shaqeeya .
Maamulaha Kastamka Sool Sheekh Bashiir Cabdilaahi Khaliif ayaa wasiirka u sheegay in geedaha hoostooda ay xafiisyo uyihiin,taas oo muujinaysa darufaha adag oo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Kastamka.