Wasaaradda deegaanka Puntland oo maanta ka digtay Isticmaalka xad dhaafka ah ee Xaabada

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadelka Cimilada DPL Prof. Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka digay Isticmaalka xad dhaafka ah ee Xaabada oo mudooyinkii ugu dambewyey kusoo badanayey deegaanada Puntland.

Wasiirku dhanka kale waxaa uu ganacsatada ka ganacsata Geela-Caanoteelka ah ee ka shaqeeya Meelaha ku dhowdhow magaalooyinka waawayn ugu baaqay inay joojiyaan xaalufka ba’an ee ay ku hayaan deegaanka Gaar ahaana dhirta iyo Daaqsimaadka xad dhaafka ah.

Maamulada Degmooyinka iyo ciidamada kaladuwan ee Amniga ilaaliya ayaa uu Wasiirku faray inay ka hortagaan dhibaatooyinka lagu hayo Deegaanka, duurjoogta iyo xaalufka dhirta gaar ahaana Xaabaysiga xad dhaafka ah.

Prof. Ismaaciil Diiriye Gamadiid wuxuu ugu dambayn bulshada reer Puntland ugu baaqay inay kala shaqeeyaan wasaaradda Deegaanka sidii loo ilaalin lahaa badqabka Deegaanka.

Puntlandi.com