Meedad hor leh oo laga soo saaray qaraxii ka dhacay Maka Al-Mukarama

Meedad hor leh ayaa laga soo saaray dhismaha goobtii uu ka dhacay qaraxii Ismiidaaminta  ahaa  ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dadka laga soo  bad naadiyay dhismaha Hilaac UK ayaa waxaa kamid aha Wiil dhalinyaro ah oo laga soo saaray dhismaha hoostiisa.

Gaadiidka Cagaf Cagafta loo yaqaan ayaa goobtii uu qaraxu ka dhacay ka bilaabay saaka howlgal lagu nadiifinayo bur burkii iyo haraadigii uu qaraxu reebay .

Dad badan ayaa lafilayaa in ay ku hoos jiraan goobtii uu qaraxa ka dhacay,waxaan baadi goob ugu jira dadkaasi Eheladooda .

Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay fuliyeen kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 30 qof, waxaana ku dhaawacmay 100 qof oo kale.

 

<