Halkee marayaa baaritaanka kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan?

Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in baaritaanka kiiska dilka iyo kufsiga ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan uu marayo meel gaba gabo ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in 90% uu kiiskaas ku dhow yahay guul dhawaana si rasmi ah loo shaacindoono baaritaanka hay’addaha amnigu ku howlan yihiin.

Maxamed Xareed ayaa sheegay in macluumaadka dowladda ee kiiskaas uu yahay arrin dowladdu go’aan culus ka qaadandoonto lana marsiindoono xukunka shareecada Islaamka iyo xeerka ciqaabta Soomaaliya.

PUNTLANDI.COM