Daawo Sawiro Madaxweyne Uhuru Kenyata iyo Raysal wasaare Abiy Ahmed oo iskaashi cusub bilaabay

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa wada saxiixdey Heshiis baaxad weyn oo dhex maraya labada Dal ee ku yaala geeska Afrika, daris dheerna la ah Soomaaliya.

Shirweyne looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga oo ka dhacaya Magaalo Hawaas oo ah Magaalo Warshadeedka Dalka Itoobiya ayuu adaxweyne Kenyata ka qayb galayaa, intaan shirku bilaaban ayaa labada masuul kulamo gaara oo ay yeesheen ay isla meel dhigeen iskaashi waji cusub oo ay wada yeelanayaan labada Dal.

Waxay si wada jir ah u booqdeen Warshada Dharka ee ay caanka ku tahay Magaalada Hawaas Warshadahasoo ay ka shaqeeyaan shaqaale kor u dhaafaya 25,000.

Xiriirka Villa Soomaaliya iyo Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u xumaadey iyoadoo dhanka kalena shaki iyo mugdi uu ka jiro Xiriirka Adis Ababa iyo Muqdisho, Halka Soomaaliland iyo Puntland ay xiriir cusub la bilaabeen Adis Ababa.

Iskaashigaan cusub ee Kenya iyo Itoobiya wuxuu culays Siyaasadeed ku noqonayaa Villa Soomaaliya sida ay Dublamaasiintu hadal hayaan.

Hoos ka daawo sawirada