DEGDEG:- Dowladda Puntland oo xukun dil ah ku xukuntay shan dhalinyaro ah oo geystay kufsi wadareed

Dowladda Puntland ayaa xukun dil ah ku xukuntay shan dhalinyaro ah oo geystay kufsi wadareed ka dhacay Gaalkacyo, taariikhud markay ahayd 22-kii bishii febraayo.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo goor dhowayd jir jaraaid ku qabtay Garowe, ayaa ku dhawaaqay xulunka lagu riday dhalinyaradaan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay in dowladdu cuslaysay ciqaabta kufsiga, wuxuuse sheegay in xukumanayaashu ay haystaan racfaan muddo bil ah.

Xukunkaan lama xiriiro kiiskii kugfsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Goor dhow la socda faahfaahin

<