Faah Faahin Qaraxii Muqdisho iyo tirada dhimashada oo kor udhaaftay 40 qof

Inkabadan 40 qof ayaa ku dhintay haka 50 oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay Argagixisada Al-shabaab ay labeegsadeen Hotel Maka al Mukarama  oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah .

 

Sidookale qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay dad badan oo marayay waddada hareeraheeda waxaana sidookale bur bur xoogan uu soo gaaray gaadiidkii dadweynaha iyo guryihii ka agdhawaa .

Isbitlaanada magaalada Muqdisho ayaa waxaa lageeyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan ayaa ah kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho marka laga reebo qaraxii Zoobe waxaana dhawaqiisa iyo gariirka culayskiisa laga dareemay magaada Muqdisho oo idil.

 

Ciidamada amniga ayaa soo bad baadiyay dad badan oo shacab ah oo waayeel ubadan.

Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ilaa iyo hada wali wax war ah kama aysan soo saarin

 

<