Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland iyo ciidamo uu horkacayo oo gaaray Gaalkacyo

Ciidamo aad uhubeysan oo loogu talagalay sugida Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa saakay tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha Daraawiishta Puntland Cabdishukri iyo Taliye ku xigeenka booliska Puntland Col Cismaan Afdalow ayaana hogaaminaya ciidanka.

Ciidankaan ayaa la filayaa inay howlgalo culus ka bilaabaan magaalada Gaalkacyo oo ay waayahaan dambe ksoo bateen falal ammaan darro oo isugu jira dilal iyo kufsi.

Puntlandi.com

 

 

<