
Madaxweyne yaasha mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kala tagay shirkii uga socday magaalada Hanoi ee dalka Vietnam .
Kim Jong Un iyo Donald Trump ayaa sidookale baajiyay kulan qado sharaf ahaa oo larabay in heshiiskooda ay ku kala saxiixdaan labada dhinac .
Madaxweynaha mareykanka Donald Trum ayaa doonayay in Xukuumada Pyongyang ay dhigto hubka Nuclear-ka, halka, madaxweyne Kim Jong Un uu doonayay isaguna in laga qaado cunaqabateynta Caalamga ah ee saaran.
Shirkan kiisii ka horeeyay ayaa waxa uu ka dhacay dalka Singapore 8 bilood kahor,wuxuuna shirkan uu noqonayaa kii labaad oo ay madaxda labadan dalal ay ku kala tagaan .