(Dhegayso) Wasiirkada Duulista hawada ee Puntland oo kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha ee Bosaaso

Wasiirka cusub ee wasaarada duuliska iyo hawada ee dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan ayaa waxa uu kormeer shaqo uu ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso.

Wasiirka iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Maareeyaha garoonka Bosaaso iyo Taliyaha ciidamada ilaalada ee garoonka Bosaaso.

 

Wasiirka ayaa mid mid u booqday xafiisyada garoonka Bosaaso iyo sida ay shaqaalaha uga howl galaan .

Waxa uu uga mahad celiyay Wasiirka shaqaalaha garoonka Bosaaso sida wanagaasan oo ay ugu adeegayaan bulshadooda .

Dhegayso.

<