
Allaha unaxariistee waxaa caawa shil gaari ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Mire Faarax oo katirsanaa Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaanka waxa uu shilkan ku galay deegaan 15kmtr ujira degmada Waaciye .
Sidookale shilkan waxaa isna ku dhintay Darawalkii waday gaariga uu Xildhibaanku saarnaa.
Xildhibaanka ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii baarlamaanka ka soo galay gobolka Bari.
Qaar kamid ah Xidhibaanada baarlamaanka Puntland oo la sooxiriiray caawa warsidaha Puntlandi.com ayaa ka tacsiyeeyay geerida kutimid Xidhibaanka oo ahaa wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa dhalinyaradii sanadkan ku soo biirtay golaha wakiilada Puntland.