(SAWIRRO) Dab geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka kacay Burtinle

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qof kalena waa ku dhaawacmay kadib markii Dab xoogan uu ka kacay kaalin shidaal oo kutaalay degmada Burtinle ee gobolka Nugaale.

Qof dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Cabdiweli Diiriye halka qofka dhaawacmayna uu ahaa Aabihiis oo ahaa mulkilayaashii xarunta dabku ka kacay, lagu magacaabo Cabdiweli Diiriye.

Kaalinta shidaal ee gubatay oo lagu magacaabo Nugaal Fuel Station, ayaa dabka ka kacay damintiisa waxaa ku guulaystay dadka deegaanka oo kaashanayay booyadaha gaarka loo leeyahay.

Ma jirin wax gaadiid dab damis ah oo yiilay degmada Burtinle.

 

 

 

 

<