Madaxweyne Deni,” Waa nasiib darro in Shabaab iyo Daacish ay xilligaan dhulkeena ku hardamayaan

????????????????????????????????????

Garowe (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in horumarka iyo deganaanshaha Puntland uu halis ku jiro haddii aan laga hor tagin qatarta kooxaha argigixisada ku hayaan Puntland iyo shacabkeeda.

Madaxweyne Deni ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in xilligaan kooxaha argigixisadu ku hardamayaansidii sidii uu mid kastaawood ugu yeelandoono inuu ka taliyo qeybo kamid ah dhulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladdiisu inay sugida amniga iyo difaaca Puntland meel adag ka istaagayso islamarkaana wuxuu shacabka ugu baaqay inay kaalin ka qaataan una diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Waxaa madaxweynuhu sheegay, in Puntland aysan aqbalidoonin in qaar kamid ah magaalooyinkeeda ay go’doomiyaan kooxaha Shabaab iyo Daaciso, oo uu sheegay inay shacabka ku qasbayaan barakicin.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xilli uu maanta ka qeyb galay munaasabad hay’adda Diakonia ugu debaal dagaysay sanad guuradii aas aaskeedii.

Puntlandi.com

 

<