Lix Dumar ah oo lagu dilay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

Inta la xaqiijiyay lix dumar ah ayaa lagu dilay weerar rag hubeysan ay ku qaadeen koox haweena oo geedka garanwaaga ah ka jarayay laamiga dhinacyadiisa wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, meel aan sidaa uga fogeyn isbitaalka Xaawo Cabdi sida uu BBC-da u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamad Ibrahim Barre.

Illo wareedyo deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan oo watay gaari yar ay yimaadeen halka haweenku ay shaqada ka hayeen dabadeedna ay rasaas ooda uga qaadeen, waxana halkaas ku dhintay lix dumara, waxayna dableydii weerarka gaystay horey u sii kaxayteen labo kale.

Gudoomiye Maxamad Ibrahim Barre ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeysay dilka lagula kacay haweenka, wuxuna intaa ku daray in ciidanka amaanku ay ku raad joogaan kuwii weerarka gaystay.

Lama oga sababta loo beegsaday haweenkaas ka shaqaynayay ololaha nadaafadda, waxaase horey u dhacday in haween ka shaqaynayay nadiifinta wadooyinka Muqdisho ay la qaraxdo miino ku aasnayd halka ay qashinka ka gurayeen taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray.

Xigasho : BBC