Dowladda Puntland oo dhulkooda ku celinaysa shacabka Oromada

In ka badan 10 gaadiidka xamuulka qaada oo siday boqolaal kamid ah shacabka Oromada iyo agabkoodii oo ay galbinayeen ciidamada ammaanka, ayaa maanta ka gudbay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyagoo ka yimid magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dowladda Puntland ayaa go’aansatay inay dadkaan si nabad gelyo ah ugu celiso dhulkooda, maadaama magaalada Bosaso uu haatan ka socdo howlgallo sifayn ah oo lagusoo celinayo ammaanka iyo kor uqaadida bilicdeedii.

Dowladdu waxay dadkaan ku wareejindoontaa dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyagoo usii gudbindoona dhulka ismaamulka Oromda.

Puntlandi.com  

 

 

<