Raisal Wasaare Kheyre waa Dhagraa Dhakanaya

Raysalwasaare Kheyre!!!!

(Dhagraa Dhakanaya)

Qore : Cali Yasiin Gurbe

Maqaalkaan Waxaa laga yaabaa in in badan oo idinka mid ihi aad u qaadataan Dagaal Siyaasadeed laakiin kani maahan dagaal ee waa Sheegidda run u baahan in aad ka muwaadin ahaan wax badan ka ogaataan:::::

Hadaba Raysalwasaare kheyre iyo inta Shirqool Siyaasadeed uu maleegey halkaan ka Aqrista!

1. Waxuu go’aansaday in uu madaxweyne isu sharraxo 2020, sidaa awgeed, waxuu diyaarinayaa dhammaan tashiilaadki u suura gelin lahaa,

2. Kheyre waxuu abuuray ilaa 5000 oo askari oo isaga daacad u ah oo 3000 oo ka mid ah la abuuray dhawaan laguna wareejiyay annigga Muqdisho usbuucii hore waxana uu si gaar ah u hoos geeyay Saadaq Joon oo isaga daacad u ah.

3. Waxu diyaariyay koox xoog badan oo ka kooban ganacsato, siyaasiin, khubaro, iyo qaar ka mid ah xubnaha xukuumaddiisa iyo baarlamaanka. Kooxdaas oo diyaarinaysa qorshahii uu awoodda dalka si buuxda ugu hanan lahaa, suuragalna ka dhigi lahaa is sharrixiddiisa. Waxaa ka mid ah Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale.

4. Waxuu cid kaste oo saameyn leh kasoo weeciyaa madaxweynaha, waxuna mar kaste isku dayaa in uu wiiqo saammeynta madaxweynaha, isaga oo dadka u sheega ; “Wax walba aniga I waydii oo ila shaqee, uma baahnid Madaxweynaha”, Waxuu hoos u dhigaa awoodda shaqo ee masuul kaste oo xukuumaddiisa ka mid ah oo galaangal gaar ah u yeesha madaxtooyada qaas ahaan Madaxweynaha waxaana kamid ah Wasiiradda uu taakadda saarey Wasiirka Arimaha Gudaha,Qorsheynta,madaxtooyadda iyo Raysalwasaare ku xigeenka dalka.

5. Waxaa aad loo tuhunsanyahay in uu isagu lug weyn ku leeyahay qalalaasaha dowladaha dariska ah. Kenya waxay is badashay ka dib booqashadiisi.

Booqashadii Biixi ee Addis uma aysan dhicin sidii uu madaxweynaha rabay oo wax badan ayaa ka qaldamay, waxana la aaminsanyahay in uu R. Kheyre lug weyn kulahaa,

6. Waxuu hadda si weyn u qorshaynayaa in uu koox isaga taabacsan ka dhiso Jubaland iyo Galmudug oo uu dowlad gobaleedyada ka samaysto awood Siyaasadeed.

7. Waxuu ku tallaalay dhamaan waaxaha dowladda dad isaga taageersan oo u badan Qaraabo iyo saaxiibadii,

8. Waxuu fashiliyay oo 3 jeer is hortaagay dadaallo uu madaxweyne Farmaajo kula heshiin rabay ururada iyo madallada mucaaradka ah iyo maamul-gobaleedyada isaga oo diidan in ay meesha soo galaan shakhsiyaad kale oo saameyn ku yeelan kara dowladnimada, diidayana in uu xoogaysto mowqifka madaxweynaha. Waxuu si gaar ah u wiiqayaa siyaasiinta beelaha Hawiye ee aan la mowqifka ahayn,

9. Waxuu shaqada ka ceyriyay, sida wasaarado, dakadda, Gobalka Benaadir iyo laamaha amniga, dad uu u arkay in aysan isaga si gaar ah daacad ugu ahayn. Waxa, aamusnaan badan ka dib, xaqiiqada Kheyre kusoo qortay boggeeda Facebook wasiiraddiisii hore ee wasaaradda ganacsiga Khadra Ducaale.

10. Waxa shaki weyn ku jiraa mowqifka Fahad Yaasiin oo awal daacad u ahaa labada masuul lakin hadda la rumaysanyahay in uu qayb ka yahay dhagarta uu Kheyre u maleegayo madaxweynaha,

11. Waxaa jira madax badan iyo dad saameyn leh oo xilli hore ku baraarugay dhagarta Kheyre oo iyaguna ka qaatay mowqif Soomaalinimo sida R. Wasaare k/xigeenkiisa, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlmaanka, wasiirro badan, baarlamaan xooggan iyo indheer-garad Soomaaliyeed,

12. Kheyre waxuu sameeyay tubaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada ee dalka lagu hagayo ka dib markii uu madaxweynuhu faray lakin ma rabo in ay u fulaan sida loo naqshqdeeyay. Waxu rabaa in qorshahani si wanaagsan warqadaha loogu diyaariyo lakin ay fuliso dowlad uu madaxweyne isagu ka yahay,

13. Arrinta ugu daran waxa weeya, waxuu si cad u diiday meelmarinta sharcigii doorashada iyo qeexidda nidaamka dowladnimo ee ay Soomaaliyo qaadanayo. Waxu ku beegayaa xillga uu xisbigiisa diyaariyo. Sidoo kale, waxuu diidanyahay qodobo masiiri ah oo ku qoran kuwaas oo uu u arkay in aysan taageeraynin hadafkiisa siyaasadeed.

Marka lasoo aruuriyo, Kheyre waxuu rabaa in sanadkan gudahiisa uu abuuro qalalaaso siyaasadeed oo u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Farmaajo, kuna guulaysto, meeshana uu ka baxo md Farmaajo ama uu ogolaado in uusan isi sharrixin.

Kheyre Waa dhagraa dhiifoon. Waa xariif xirfado badan kaligii talis xukun jecel.

Soomaaliya waxa ragaadinaya raggii loo igmaday!