Cabdinuur Maxamad Aw Aadan Guuleed oo loo doortay guddooniye ku xigeenka Shabakadda Ururka Dhallinyarada Puntland

Munaasabad siweyn loosoo agaasimay  Hoolka Dallada PYAN “  oo isku jirtay doorashada Guddoomiye ku xigeenka iyo xil wareejin  ayaa loogu doortay Cabdinuur Maxamad  Aw Aadan  Guddoomiye ku xigeenka Dallada Dhalinta  Puntland ee (PYAN),  Guddoomiye  ku xigeenka loo doortay   (Puntland  Youth  Assoscoition Network  (PYAN),  ayaa ah aqoonyahan wax kusoo bartay Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Cabdinuur Maxamad Aw aadan, ayaa sidookale xubin ka ah   Dallada Ururada  aan Dawliga ahayn ee Puntland loona yaqaan Punsaa).

Munaasabada lagu doortay Guddoomiye ku xigeenka  Shabakadda Ururka Dhallinyarada Puntland, waxaa kasoo qeyb galay mas,uuliyiin heer Gobol iyo heer Qaran ah  waxana kamid ahaa mas,uuliyiintii kasoo qeyb gashay Xildhibaanno katirsan  Puntland, mas,uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Puntland iyo xubno kamida Ururada aan Dawliga ahayn dhalinyaro iyo aqoonyahano.

Dhanka kale waxaa xilkii Gudodomiyanimo    Puntland  Youth  Assoscoition Network  (PYAN),   Sirasimiya ula wareegay  Liiban Maxamad Nuur  (Birlibaax) kadib markii Guddoomiyihii  hore Aweys Axmad Sardheeye  loo doortay dhawaan  Xildhibaaan  kamida xildhibaannada Puntland.

Munaasabada  xil wareejinta iyo doorashada Guddoomiye kuxigeenka  waxaa kasoo qeyb galay   wasiiru dawlihii hore ee wasaarada warfaafinta Puntland Cabdifitaax Ashkir,  Guddoomiye ku xigeenka  (Punsaa)  Mustafe Cabdullaahi, Guddoomiye ku xigeenka  Ururka dhalinyarada  Qaranka Soomaaliyeed Jaamac  Cawil

Ugu dameyntiina  mas,uuliyiintii kazoo qeyb gashay munaasabada aya  hadalo dardaaran iyo dhiiri gelinta  halkas ka jediyey Guddoomiyihii hore ee PYAN), hadana ah mudane xildhibaan oo ka tirsan Golaha wakiillada Puntland  ayaa Guddoomiyaha xilka uu ku wareejiyey iyo ku xigeenkiisa kula dardaarmay midnimo iyo dhabar adeyg, inay muujiyaan.

Gudoomiye  ku xigeenka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed Jamac  ayaa isaguna kula dardaarmay hogganka  PYAN, inay wada shaqayn  iyo midnimo uga bixi karan hawsha loo igmaday, wasiiru dawlihii hore ee W / Warfaafinta Puntland Mudane Ashkir aya sidookale  yiri dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada shacabka Soomaaliyeed waa dhalinyaro waxana laga sugaya dhalinyarrada shaqo adag, waxaa kale oo goobta ka hadlay xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf oo  kelmadiisa  ku cabbiray in dhalin yaradu tahay mustaqablka bulshada muslimii nta isagoo soo xigtay xiligii  suubanaheenna diinta lsoodhiibay cidii u gargartay inay ahayeen dhalinyaro..

Munaasabada ayaa kusoo dhammaatay  sidii loogu tala galay  waxana hoggaanka   Network Association Youth Puntland, ayaa looga fadhiya dhaqaajinta shaqooyinka  PYAN..

 

<