(SAWIRRO) Ciidanka amniga Garowe oo soo bandhigay dhalinyaro ku eedaysan furashada dadweynaha

Taliska ciidanka booliiska amniga gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay ku dhawaad 30 dhalinyaro ah oo lagusoo qabtay howlgallo, iyagoo qaarkood ku guda jiray furashada dadweynaha.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, Xasan Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in dhalinyaradaan qaarkood  ay ka yimaadeen magaalada Bosaso, kanasoo carareen howlgallada halkaas ka socda.

Waxaa taliyuhu in maalinta berrito ah loo diyaariyo in maxkamad la horkeeyo.

Goobta ayaa lagusoo bandhigay Tooreeyo ay dadka ku furan jireen.

Goor dhow la socda faafaahin buuxda iyo muuqaalo iyo sawirro.

 

 

 

<