(Faafhfaahin+SAWIRRO) Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal oo soo bandhigay dhalinyaro ku eedaysan moobayl furashada

Garowe (Puntlandi) Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal ayaa soo bandhigay dhalinyaro ku eedaysan furashada iyo baarashada dadweynaha xilliyada habeenkii

Dhalinyaradaan oo maanta lagusoo bandhigay taliska saldhiga dhexe ee Garowe ayaa intooda badan waxay ku eedaysan yihiin dambiyo ku saabsan  dhaca moobaylada dadweeynaha.

Waxaa goobta lagusoo bandhigay Tooreeyo saraakiisha ciidanku ay tilmaameen  in dadka lagu furan jiray ayna wateen qaar kamid ah dhalinyaradaan lasoo bandhigay.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Nugaal, gaashaanle sare Xasan Maxamed Cabdulaahi ayaa sheegay in sharciga la horgayndoono dhalinyaradaan islamarkaana cidii dambiga lagu helo lagu qaadidoono ciqaabta ay mudan tahay.

Waxaa taliyuhu digniin udiray waalidiinta ilmahooda ceshan waayay ee hadana uga daba yimaadaan xarumaha booliiska, waxaana uu caddeeyay inay isku dambi ahaandoonaan cidii isku dayda inay difaacdo dambiile.

Taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe, gaashaanle, Maxamuud Muuse Bille, (Fardafuul) ayaa sheegay dadka lasoo bandhigay inay ku jiraan kuwo kasoo baxday howlgallada ka socda Bosaso oo ay laamaha amnigu ku daba joogeen.

Magaalada Garowe ayaa kamid ah magaalooyinka Puntland ee aadka looga cabanayo in habeenkii dadka lagu baarto, iyadoo ay ka dambeeyaan falalkaas dhalinyaro kooxo kooxo ah oo ku hubaysan hubka fudud.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

<