Breaking News : – Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley ku hubeysan Bastoolado ay galabta Degmada Karaan ee Magaalada Muqdusho ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanada Barlamaanka Dawlada Federaalka Somaaliyeed.

Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaan jiray Ciidankii Hore ee Xogga Dalka, ayaa ahaa Xildhibaanka ugu da’da weynaa Xildhibaanada Barlamanka Somaaliyeed, isagoo sidoo kale hore u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed.

Xikdhibaanka ayaa ka soo jeeday Beesha Ciise ee degta deegaanada Waqooyiga Somaaliya