Maamulka gobolka Nugaal oo joojiyay dood ku saabsanayd khilaafka diblumaasi ee u dhexeeya ee Soomaaliya iyo Kenya

Maamulka gobolka Nugaal ayaa joojiyay qabashada dood cilmiyeed  ku saabsabayd khilaafka diblumaasi ee udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, taasoo lagu waday in caawo lagu qabto magaalada Garowe.

Doodaan oo ciwaankeedu ahaa,” sidee u aragata khilaafka diblumaasi ee udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, muxuuse salka ku hayaa.? ayaa waxaa lagu casuumay oo qudbado ka jeedin lahaa labo aqoonyahan oo kala ah, Prof, xildhibaan Cabdiraxmaan Aadan Ibrahim (Ibbi) oo katirsan barlamaanka Soomaaliya iyo Ambasaddor Mohamed Cabdi Yuusuf, oo soo noqday wasiir arrimo dibadeed iyo ku xigeen guddoomiye barlamaan.

Dadkii lagu casuumay ama ka qeybgali lahaa ayaa markii ay goobta tageen, waxaa loo sheegay in maamulku gobolku u amray in shirkaas aan la qaban karin, iyadoo oggolaansho laga haysanin xafiiskiisa.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa horey u sheegay shir aan lagausoo wargalin inaan lagu qaban karin gudaha magaalada Garowe, mana ahan markii ugu horeysay oo shirkaan caynkaan oo kale ah la joojiyo.

Puntlandi.com

 

 

<