Wasiirka cadaalada Puntland,” Waxaan midaynaynaa ururada Diinta ee ka jira Puntland.

Wasiirk cusub ee cadaalada iyo arrimaha Puntland, Khaliif Sheikh Xaamid ayaa sheegay wasaaraddiisu inay midayndoonto urur diimeedyada kala aragtida duwan ee ka jira Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddiisa uu hoos keenidoono dhammaan cid kasta oo arrimaha diinta ka shaqeysa, sida dugsiyada qur’aanka, masaajida iyo mu’asasaadka kheyriga ah.

Waxaa kale oo wasiirku sheegay in dib u eegis lagu sameyndoono qudbadaha laga jeediyo masaajida inay yihiin kuwa ka turjumaya waaqiciga haatan ee caalamu Islaam.

“Waxaad arkaysaa nin wadaad ah oo masaajid ka jeedinaya qudbad ku saabsan wax lagasoo gudbay 200 sano kahor. Anagu waxaan u baahanahay qudbad ka hadlaya wacyiga maanta ka taagan dunid Islaamka,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka cadaaladdu arrimaha kale uu uu xoogga saaray waxaa kamid ah arrimaha Xajka, isagoo sheegay in uu ku dedaalidoono sidii looga saari lahaa afduubka weli lagu haysto arrimaha, Puntland xaqeedana ay helidoonto.

Puntlandi.com