(VIDEO) Sheikh Maxamed Kenyawi oo socdaal Diimeed ku yimid Garowe, farriin culus uidray reer Puntland

Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa lagusoo dhaweeyey magalada Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo uu deegaanada Puntland socdaal ku yimaado.

Masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, culima awdiin iyo dad shacab ah ayaa kaga hor tagay garoonka diyaaradahah ee Gen, Maxamed Abshir Sheikh Kenyawi iyo wafdi uu hogaaminayay oo ka socday wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya.

Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa sheegay safarkiisu inuu yahay safar diimeed uu doonayo inuu kula hadlo shacabka Puntland ee ku nool magaalada Garowe.

Halkaan ka daawo.