Shir lagu bogaadinayay mashaariicda horumarineed ee gobolka Mudug oo Garowe ka dhacay

Shir looga hadlayay sidii loo taageeri lahaa Mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan gobalka Mudug ayaa xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda gobalka Mudug oo isugu jira kuwa cusub iyo kuwii hore, Ganacsato iyo Madaxda Shirkadda Wadaagsan ayaa ka qayb galay shirka.

Shirka ayaa diirada lagu saaray sidii loo dar dar-gelin lahaa Dhismaha Dekadda Garacad, Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, Wadada Wadaagsin iyo Kastamka Tuur-dibi.

Puntlandi.com