Madaxweynaha Puntland oo Kulan Laqaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha Hay’addaha Madaxa Bannaan ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan ee Dowladda Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan ee Dowladda Puntland.ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Agaasimaha Guud ee Tiifiiga iyo Radio Dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf oo kulanka qayb ka ahaa ayaa ka warbixiyey kulanku.

“Galabta waxaa shir iskugu yimid Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha madaxa banaan ee dowladda Puntland iyo sidoo kale Guddoomiyeyaasha Hay’addaha madaxa banaan, shirkaas oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxa uu ahaa isbarasho maadaama uu ahaa shirkii ugu horreeyey intii Madaxweynaha iyo Madxaweyne ku-xigeenka la doortay ay la qaataan Agaasimayaasha guud ee Dowladda,

“Isbarasho iyo is xog wareysi guud waxaa warbixino laga dhagaystay Hay’addaha madaxa bannaan dhammaantood, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkoodii iyo wixii caqabad ah oo jira, waxaa loo balamay kulan labaad in Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha laga dhegaysan-doono waxqabadkooda”. Ayuu yiri Agaasimaha WarbaahinDowladda Puntland.