Daawo : M/weynaha Somaliland Muse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Adisababa ee Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Somaliland Korneyl Muse Biixi Cabdi iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminaayo oo maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Magaalada Adisababa ee Dalka Ehiopia.

Telefishinka Somali Star TV ayaa ka soo xigtey Xafiiska Madaxtooyada Somaliland in Madaxweyne Muse Biixi uu marti qaad rasmi ah ka helay Raisal Wasaaraha Dawlada Ethiopia Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muse Bixii waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Bollo Ineternational Airport Wasiirka Maaliyada Ethiopia Mudane Ahmed Shide, iyadoo qolka nasashada ee Airport uu ka muuqanaayey Calanka Dawlada aan weli Caalamka laga citiraafin ee Somaliland