(SAWIRRO) Dhismaha dekeda Garacad oo wajigii labaad galaya iyo qalabkii lagu dhisi lahaa oo la geeyay

Gaadiid sida qaar ka mid ah qalabii lagu bilaabi lahaa wajiga labaad ee dhismaha dekadda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa ka gudbay degmadda Jariiban ee gobolka Mudug.

Dhawaan ayay ahayd markii lasoo afmeeray wajigii koowaad ee dhismaha birriga dekeda, iyado haatan loo gudbayo dhismaha gunta hoose ee badda.

Dekedda Garacad ayaa la qorsheeyey in dhererkeedu noqdo 636m iyo ballac gaaraya 50m, waxaa hoos loo qodi doonaa 11.5 illaa 14.5m, iyadoo mashruucan ay ku baxeyso lacag gaaraysa 40 milyan oo dollar, waxaana dhisi doonta dekeda shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga oo la yiraahdo  TTN.

Waxay qaadandoontaa muddo labo sano iyo bar ah in lasoo afjaro dhismaha dekeda Garacad oo lagu dhisayo qaab isku tashi oo ay hormuud u yihiin ganacsatada gobolka Mudug.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Cabdiweli Gaas dhagax dhigay dekedaan, ayaa sheegay in dekadaan ay muhiimad weyn u yeelan doonto Soomaaliya iyo gobolka oo dhan oo ay kamid tahay Itoobiya, oo aan laheyn xeeb.

Puntlandi.com