Faahfaahin ku saabsan xiritaanka xafiiska ururka Wadajir ku lahaa Garowe

Dowladda Puntland ayaa xirtay xafiiskii urur siyaasadeedka Daljir uu dhawaan ka furtay magaalada Garowe, kadib markii uu Garowe socdaal ku yimid hogaamiyaha ururkaas  Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xafiiskaan oo la sheegay in dhowr maalmood ka hor la geeyay amar lagu xirayo, ayay wardidaha Puntlandi waxay xogtiisa ka heshay xiriiro ay la sameeysay masuuliyiinta gobolka iyo saraakiisha amniga ee heer gobol.

Laama ammaanka oo aan xiriirnay ayaa sheegay in aan Puntland laga ogolayn in xilligaan laga furo xafiisyo u adeegaya dano siyaasadeed, iyadoo weli Soomaaliya uusan ka dhaqan galin nidaamka axsaabta badnaa.

Dhinaca kale, xisbiga Wadajir ayaa beeniyay warkaasi iyagoo sheegay inaanu jirin wax go’aan ah oo xafiiskooda lagu xirayo oo soo gaaray dhankooda, waxayna sheegeen inuu xafiisku furan yahay.

Puntlandi.com