Barlamaanka Kenya oo soo faro galiyay xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya

Barlamaanka Kenya, ayaa su’aalo weydiinaya wasiirka arrimaha dibada Kenya, CS Monica Juma, su’aalahaas oo ku saabsan xumaanshaha xidhiidka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Difaaca iyo Xiriirka Dibadda ee barlamaanka Kenya, Katoo Metito,  ayaa sheegay inay doonayaan in ay ogaadaan xaalada sababtay in loo yeero safiirkii Kenya ee Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inaan helno faahfaahin ku saabsan waxa runta si horey loogu socdo,” ayuu Metito u sheegay  wargeyska the Star

Sabtidii, PS Macharia Kamau ayaa soo saartay hadal lagu micneeyay in Kenya ay dib u soo celisay safiirkeeda Muqdisho ayna erisay  Ergayga Soomaaliya ee Nairobi.

Kamau waxay sheegtay  in Soomaaliya shirkii London ka dhacay ay xaraash ku samaysay shidaal iyo saliideedyo ku jira aagagga badda lagu muransan yahay.

Puntlandi.com