Ganacsatada Qaadka Kenya oo ku goodiyay inay joojinayaan Qaadka Soomaalida usoo dhoofiyaan

Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba usoo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100milyan oo Kenya shilling ah.

“Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda”. Sida waxaa yiri afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Puntlandi

<