Dowladda hoose Garowe oo xirtay xafiis uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka furtay Garowe

Dowladda hoose ee Garowe ayaa albaabada isugu laabtay xafiis uu dhawaan Cabdiraxmaan Cabdishakur ka furtay magaalada Garowe, kaaso uu ugu magac daray xafiiska xisbsiga wadajir ee Garowe.

Sarkaal katirsan dowladda hoose ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay in maalmo kahor ay dowladda hoose albaabada ulaabtay xafiiskaas, oo ay tilmaamtay inaan ogolaansho laga haysan degmada iyo gobolka.

“Waxay ahayd Cabdiraxmaan Cabdishakuur, haddii uu xafiis ka furanayo Garowe ama Puntland inuu soo maro nidaamka dowladnimo ee Puntland, Puntland ma ahan meel fowdo ah co cid  kasta ay xafiis ka furan karto.” ayuu yidhi sarkaal dowladda hoose katirsan oo la hadlay Puntlandi.

Xiritaanka xafiiskaas kadib, waxaan wararka ku helnay inay dowladda hoose  joojisay in Garowe laga furto wax xafiis siyaasadeed ah oo ka baxsan Puntland illaa iyo amar dambe.

Puntlandi.com’

Garowe.