(SAWIRO) Maamulka gobolka Gardafu iyo shacabkiisa oo hambalyo iyo baaq usoo diray madaxweynaha Puntland

Munaasibad lagu soo dhawaynayay hogaanka cusub ee Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Cusub ee
Dawlada Puntland Dr siciid C/laahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed karaash yo Afhayeenka golaha wakiilada PL mudane C/xakiin Maxamed Axmed Dhooba Daareed iyo golaha wasiirada Cusub ee uu soo dhisay madaxwaynuhu iyo xildhibaanada cusub ee Dawlada Puntland ayaa  lagu qabtay magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kal duwan ee bulshada,
oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf Indhacade iyo xoghaya degmada Siciid Cawil Dhuxul ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa ka soo qaybgalayaashii munaasibada siyaasiyiin,
aqoonyahano, Nabadoono. Cuqaal, waxgarad, haween iyo dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo badan

Ugu horeyntii waxaa ka hadlay munaasibada Guddoomiyaha Degmada Baargaal Mudane  Abuukar Indhacade asagoo sheegey in ujeedada xafladdu ay tahay taageeridda xukuumada cusub ee madaxwayne Siciid C/laahi
Deni uu soo dhisay asagoo sheegay inay u rajaynaayaan inay noqoto mid dadka iyo dalka wax badan u qabata

Gudomiyaha ayaa intaasi ku daray in gobolka Gardafuu uu wali yahay gaari-waa u baahan in wax laga qabto wadooyinkiisa iyo sidii adeegyo loosoo gaarsiin lahaa asagoo ugu baaqay madaxwaynaha cusub iyo
xukuumadiisaba inay waxqabadkooda ka bilaabaan wadada Kala-bayr iyo Caluula oo ay horay u dhagax dhigeen si wadajir ah madaxwaynaha dawlada federalka sSomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxwaynihii
hore ee Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas.

`

Puntlandi.com

<