Madaxweynaha dowladda Puntland oo golihiisa wasiiradda Amar kasoo rogay

Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa faray golihiisa wasiirrada inay xil wareejintooda goob joog ka ahaadaan guddi korjoogto ah oo kala ah, agaasimaha guud ee madaxtooyada, xisaabiyaha guud ee dowladda, xeer ilaaliyaha guud iyo hanti dhowraha.

Qoraalkaan oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale ku socday guddiga xilwareejinta Xukuumada.

Lama sheegin ujeedada masuuliyiintaan goob joog uga noqonayaan xilwareejinta waxayse umuuqataa in madaxweynuhu doonayo inuu si dhow ula socdo wasiiraddiisa iyo ammaanada dowladdeed ee ay la wareegeen.

Puntland.com