DEG-DEG:- Maxkamada Bosaso oo xukun dil ah ku riday afar dhalinyaro oo dilay nin ganacsade

Maxkamada darajada koowaad ee degmada Bosaso ayaa maanta xukun dil ah ku riday afar dhalinyaro ah oo ka dambeeyay dilka nin ganacsade ah oo dhawaan Bosaso lagu dilay.

Maxkamadu waxay soo bandhigtay qiraalka eedeysanayaasha, kuwaas oo caddeeyay in ay yihiin dadkii dilay ganacsade Salaad Cabdi Cukaasha, iyagoo ka furanayay Mobile.

Waxaa lagu kala magacaabaa:-

Cabdifitaaxa Axmed Xasan

Daahir Dalmar Saalax

Farxaan Siciid Yuusuf

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.

Maxkamadu waxay sidoo kale fartay qorigii lagu dilay marxuumka in lagu abaal mariyo askartii ku guulaystay howlgalka lagusoo qabtay raggaan.

Puntlandi.com

 

<