Xukuumada madaxweyne Deni oo maanta maraysa tijaabo culus

Golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Deni, ayaa maanta oo sabti ah la horgeynayaa Baarlamaanka dowladda Puntland, si ay ugu qaadaan codkooda kalsoonida ah.

Warar uu Puntlandi helayo ayaa sheegaya ayaa sheegaya in qaar badan oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka ay kasoo horjeesandoonaan in la meel mariyo xukuumada.

Xildhibaanadaan ayaa si aad ah u dhaliilsan saami qeybsiga golaha wasiiradda.

Madaxweyne Deni ayaa maanta u tahay tijaabo culus oo xukuumadiisu marayso, iyadoo haddii lagusoo diido uu ku qasbanaandoono inuu wax ka badel kusoo sameeyo.

Hase yeeshee, madaxweynaha ayaa weli haysta fursad xukuumadiisa lagu meel mariyo marka loo eego taageerada ka haysto golaha shacabka oo ah kuwii isaga doortay.

Puntlandi.com

 

 

<