Paul Formosa oo muddo labo todobaad ku dhow aan weli maydkiisa la aasin

Agaasimihii dekeda Bosaso, Paul Formosa, oo muddo ku dhow labo todobaad maydkiisu ku jiro talaagad kadib markii lagu dilay Bosaso afartii bishan, ayaa aas loogu sameynayaa kaniisada Marsaskala  ee dalka Malta taariikhdu markay tahay 18 February.

Qoyskiisa oo saxaafada la hadlay ayaa uga mahad celiyay xushmaynta ilaalinta arimahooda gaarka ah inta lagu jiro waqtigaan adag.

Maydka Formosa oo todobaad ka badan lagu hayay gudaha magaalada Bosaso, iyadoo uu socday baaritaan dheer, ayaa dalkiisa Malta loo qaaday maalintii khamiistii ee todobaadkii lasoo dhaafay.

Paul Formosa, waxaa dilay ururka Alshabab. Wuxuu u shaqeynayay shirkada DP World ee qandaraaska ku qaadatay horumarinta dekeda Bosaso.

Puntlandi.com

<